Ku soo dhawaada Myriam - Hayadda la talinta Dumarka Qaxootiga ah ee ku nool Kiel Jarmalka

Matahay Qof ay Dhibaato la soo deristay, oo aan garanaynin Meesha uu Gargaar u doonan lahaa?
Ma waxaat tahay Qof Dhibaato badan soo maray, oo weli Dhibaatadaas soo xasuusta? Marabtaa in aad Dhibaatadaada Dadka u shegato?
Ma waxaad tahay Qof ka baqaya in ay Dad dhib u gaystaan?
Wax Su´aal ah ma ka qabtaa Sharcigaaga aad ku joogto ama sida Waddanka Jarmalka Sharci looga qaato?

Anaga ayaa diyaar kuu ah, oo Talo Hiil iyo Hooba ah kuula garab joogna. 

0170 / 9350800       Muhliusstraße 67, 24103 Kiel

Horta aan isku kaa barno, Anaga waxaan nahay

Waxaan nahay Rug loogu talo galay in ay Dumarka Qaxootiga ah ee ku Nool Kiel ama Jarmalka deggan, talo siiyaan. Waxaan Talo siinaa Dumarka Dhibaatada loo gaysto, ama loogu caga jugleeyo. Weliba waxaa Talo ka bixinaa Su´aalaha ku saabsan sida Waddanka Jarmalka Sharci looga qaato. Waxaa nala shaqeeya Qareen ama Abukaato Su´aalaha Noocaas ah talo kabixiya.

Talada aan bixino waa Lacag la´aan, oo Wax Lacag ah lagaama doonaayo!

Anaga haddaan Nahay Hayaddaas aan kuu soo sheegnay waxaa na kharashgareeyay Hayado kale sida Hayadda Deutsche Fernsehlotterie loo yaqaano iyo Kaniisadda Nordkirche loo yaqaano, Iyaga ayaanna hoos tagnaa.

 

Waxaan kuu haynaa

Waxyaaba aan Dumarka Qaxootiga ah u hayno waxaa ka mid ah.

Dumarka waxaa ay sheegaan Sheekadooda

Dumarka waxaa ay sheegaan Wixii loo qabtay.

Su´aalaha Badanaaba lays weeydiiyo

Halkaan ayaa waxaan idinku diyaarinay Jawaabo laga bixiyay Su´aalo ay Dadka Badankooda na waydiiyeen.

Xafiiska Gargaarka Dumarka ee Nordkirche     

Xafiiska Gargaarka Dumarka ee Nordkirche loo yaqoo waa Xafiis abaabula Waxyaaba ay Dumarku u baahan yihiin , Xafiiskaa waxaa uu hoos tagaa Kaniisadda,  “Evangelisch-Lutherischen Kirche in Norddeutschland” loo yaqaano Kaniisaddaas oo ka kooban Laamaha ku kala yaalla Gobolada  Hamburg, Mecklenburg-Vorpommern und Schleswig-Holstein. Xafiiskaas waxaa uu soo abaabulaa oo uu isku xiraa Dumarka iyo Hawlahooda. Dumarka ayuu isku keenaa si ay u wada xiriiraan. Waxaa lagu dadaalaa in Dumarka ay Hawshoodo si ay Ayaga doonayaa u qabsadaan. Waxaa ay Dumarka Meesha isugu yimaada wada qabsadaa Hawlaha ay ka mid yihiin in ay Safa wada aadaan, Siminaar ayay wada qansadaan, Muxaadaro ayay wada qabsadaa. Maxaadarooyinkaas waa Kuwo ku lug leh Waxyaaba ay Dumarku tabnayaan. Xafiiskaa waxaa uu mar walba garabtaagan yihiin Dumarka Dantooda iyo Xuquuqdooda. Kaniisadda waxaa Dumarka wakiil ka ah Dumar Kaniisadda iyo Xuquuqda Dumarka yaqaana. Kaniisadda Dumarka caawiya waxaa ay leedhay Laamo kale oo Dumarka caawiya sida Mashruuca Myriam, Xafiiska Contra loo yaqaano, Rugta Talobixinta Cara*SH loo yaqaano, iyo Rugta GODE TIED loo yaqaano.

Cawinaadaas oo dhan baa diyaar laguula yahay ee nala soo xiriir.

Waxaan kuu haynaa

Talooyin aan Dumarka Qaxootiga siino Taas oo Lacag la´aan ah, Dumarka Talada la siiyo waxaa ay noqon karaan Kuwo Sharci haysta ama Kuwo aan Sharci haysanin.

Luqadaha Talada lagu bixiyo

Shaqaalaha Hayadda u shaqeeya waxaa ay ku hadli karaan Luqadaha Jarmalka, Ingiriisiga, Carabiga iyo Tigrinya. Luqadaha kale waxaa raadinaa Turjubaan Dumar ah! oo kuu turjuma Talooyinka, Turjubaankaan waa aad aamini kartaa.

Horta sideedaba

Talada aan bixino waa Talo Xur ah, waana Wax Anaga uun nagu eg. Cid Kale uma sheegno Waxyaabaha aad noo shegtid. ku khasbi mayno, Adiga ayaa Go´aanka iska leh. Sidoo kale waxaan ku dhaarsan nahay Hadalka aad noo sheegto in aan Cid Kale u sheegi karin. Sidoo kale Turjubaanadana waa sidaas! Si Sir ah ayaan Talooyinka kuu siinaynaa, Waxaad Adiga aad nagu dhihina samayn mayno.

Waa kuu imaan karnaa

Kiel Dumarka u baahan Taladeena, haddii aan noo imaan karin Anaga ayaa ugu tagi karna Meesha ay joogaan!

Waxaan la shaqaynaa Hayadaha kale ee bixiya Talooyinka Noocaas ah. Haddii aan garano Talada aad u baahantahay, Tahay Mid Hayad Kale si fiican u bixin karta, Hayaddaas ayaan kugu wareejinaynaa. Waana ku garab galaynaa haddii aad sidaas doonaysid.

Talooyinka ku saabsan Sharciga

Talooyinka aan bixino ee Sharciga ku saabsan waxaan ugu talogalnay Dumarka Qaxootiga ah oo keliya. Waxayna Talooyinka ka kooban yihiin:

  • Dalabka Megengelyada
  • Waraysiga Megengelyada
  • Sharciga
  • Waraaqaha laguu soo diro
  • Rafcaanka Sharcigaaga
  • iyo Waxyaabo akale oo Dumarka u khaas ah.

Haddii aad Taladeena u baahan tahay noo sii sheeg haddii aad Turjubaan u baahan tahay. Fadlan Waraaqahaaga oo dhan horay u soo qaado. Ballan nala yeelo.

Waxyaabaha aan kuu haynin

Guri ma kuu raadin karno. Dumarka aan weli noo qornayn uma raaci karno Xafiisyada ay Dani kaga xiran tahay, sida Jobcenterka/Dhakhtar/Xafiiska Ceerta. Loyarna kuuma noqon karno.

Talooyin Dheeraad ah:

Waxaan kaloo idiin siinaynaa

  • Adiga ama Idinkoo Koox ah oo wada socda ayaad noo imaan kartaan
  • oo aad ka wada hadli karnaa Habka Sharci loo qaato
  • Su´aal kasta oo ku saabsan Habka Sharciyda loo bixiyo ayaan Jawaab kaa siinaynaa.
  • sidoo kale waxaan kuu sheegaynaa Xuquuda Khaaska ee ay Dumarka Kiel degan lee yihiin.

Markaa waxaa kugu guubaabinaynaa in aad nala hadasho!

Dumarka waxaa ay sheegaan Sheekadooda

Sara, 36 Jir, oo Ciraaq ka imaatay waxay tiri

Waxaan ahay Naag Ciraaqi ah oo 36 Jir ah, waxaan ka soo baxay Jaamacad, waxaan go´aansaday in aan Sheekadayda idiin sheego. Waa Sheeko aad u naxdin badan, oo aanan sinnaba u doonaynin in ay Naak Kale Shekadaas oo kale ku dhacdo, maxaayeelay waxaa igu dhacay Cadaab Badan oo u sabab ahaan Caadada iyo Dhaqanka Tolkayga.

Sheekadaan waxaa ay bilaabatay Anigoo weli aad u yar, Waqtigaas oo ahaa Mid aad u dhib badnaa. Waxaa ila dhalatay Todoba Waalal oo Wiilaal ah, Kuwaas oo Nolosheeyda oo dhan Gacanta ku haayay. Markaan xoogaa soo waynaaday, oo aan Dhoocil noqday, Cadaabkii ayaa igu sii saa´iday, oo Walaalahayga waxaa ay bilaabeen in ay i sii cadaadiyaan, si xun ayay bilaabeen in ay ila dhaqmaan, waana ay i dili jireen. Dhibaato Jir Dil ah oo aad u badan ayay igu samayn jireen.

Markaa 20 jirsaday- waa Waqtiga Hamiga badan la leeyahay, waana Waqta Noloshaada ugu Quruxda badan, waa Waqtgia Noloshaada iyo Mustaqbalkaaga lagu hami waynaado; waa Waqtiga Shukaansiga la bilaabo, oo la damco in aad hesho Ninka aad jeceshahay, laakiin Aniga Riyooyinkaas oo dhan iima suurto galin. Noloshayda oo dhan waxaa laga dhigay Naar oo kale, oo aan ku hamiyay in aan Naartaas ka baxo. Waxay igu qasbeen in aan guursado Nin aannu Ilmo Adeer nahay, oo aanan doonaynin, Weliba Ninkaas ay igu qasbeen waxaa uu qabay Naag Kale oo Sideed Caruur u haysa. Waxaa uu ahaa Nin aan Weligiis Iskuul dhiganin, si xun Dadka ula dhaqma, islamarkaasna waxaa uu ahaa Nin ay Aabahayga isku da´ yihiin. Waxaan u dhalay Laba Gabdhood, Nolosjaas Cadaabka ah ayaan Meeshii ku sii jiray. Waxaan u dulqaadan waayay Sida Xun ee uu igula dhaqmo, iyo Ra´yigiisa qalafsan ee u sababa ah Aqoon la´aanta haysatay baa aad igu adkaatay in aan ku sii jiro.

Dhibaatada aan Ninkaas ku qabay, Qof qiyaasi karo ma jiro. Markii aan Mar Seddaxaad Uur u yeeshay, oo uu ogaaday Waxa aan Uurka ku sido haddanay yahay Gabar, ayaa waxaa uu damcay in uu Uurka igu dilo, waxaa uu sameeyay in uu Caloosha iga garaaco si uu Canuga u soo dhaco. Waayo Wiil ayaan rabaa ayuu dhahay. Markaas baa waxaa uu igu qasbay in aan Uurka iska soo rido.

Wixii Maalintaas ka danbeeyay waxaan go´aansaday in aan Mar Danbe u sabri doonin, waxaan go´aansaday in aan ka tago. Waan ka cararay. Aniga iyo Labadayda Gabdhood waxaan aadnay Meel fog. Aniga sinaba uma rabin in Gabdhahaygana Sidayda oo kale noqdaan. Afa Sano ayaan ka dhuumanaynay. Afartaas Sano Xurnimo ayaan dareemay. Laakiin Nasiibxumo waxaa noqotay in uu Aniga iyo Gabdhahaygaba na soo helo. Markii uu isku dayay in uu Xoog nagu wato oo Aniga iyo Gabdhahaygana Taas ka diidnay ayaa waxaa uu dilay Gabadhayda 8 Jirka ahayd.

Markaas baa waxaa igu dhacay Niyadjab, Duco iyo Alla Bari oo keliya ayaan haystay. Markii Danbi ayaa la xiray Anigana layga furay.

Markii danbe waxaan go´aansaday in aan Waddanka isaga tago, waayo Niyadjabka igu dhacay dartiis ayaa waxaan ku fekeri jiray in aan is dilo. Nasiib wanaag Jarmalka ayaan soo gaaray oo aan Megengelyo ka dalbaday. Markii aan Waddankaan ku negaaday ayaa waxaan dareemay Nolol fiican in xurnimo. Si aan u soo caafimaado Maskaxdana iigu degto waxaa la i siiyaa Caawinaad, oo waxaan ku xiranahay Meesha Kiel ku taalla ee ZIP-Zentrum für Integrative Psychiatrie loo yaqaano, waxay i siisaa Talooyin fiican.

Mar Danbe waxaan u imid Hayaddaan Myriam loo yaqaano, aad bayna ii caawiyeen, Hawlahayga oo dhan bay iga caawiyeen.

Noloshayda waxaa sii wanaajijay Nin aan isku baranay Meesha Afka Jarmalka lagu  barto, markaas baa inta aan is guursanay ayaa waxaan dhalnay Canug.  Gabadhayda waxaa u dhashay Walaal. aad ayaan u farax sanahay. Gabdhaday Walaasheeda aad ayay u jeceshahay waana ay la ciyaartaa.

Aad ayaan ugu faraxsanahay Isbedlka Fiican ee Noloshayda ku yimid, oo waxaan yeeshay Reer Cusub. Reerkayga Cusub aad ayay ii caawiyaan, waxaa ay i siiyaay Karti badan. Reerkayga  aad ayay ii jecel yihiin, Taasina waxaa ay  ii tahay Fursad Fiican oo aan Noloshayda Cusub ku maarayn karao. Mar marka qaar waa ay wanaagsan tahay in Waayo arag la noqdo, Samir iyo Dulqaad ayaa lagu moodaa.

Kamadanbayntii Waxaan u mahad celinayaa Dowladda Jarmalka oo i siisay Fursaddan Qaaliga ah. Runtii waa Fursad Qaali ah, oo aan la heli karin, waayo hadda waxaan ku noolahay Sharaf iyo Xurnimo. Waa u jedaa in ay ku dadaalayaan in ay i ilowsiiyaan Dhibkii aan soo maray, oo ay ii suurto geliyaan in aan noqdo Hooyo Reer Cusub yeelatay.

Maxaad Dumarka kale kula talin lahayd?

Waxaan u malaynayaa, horta Naag kasta Dhib u khaas ah bay leedahay, laakiin waxaan hubaa haddii la dulqaato, Allena la aamino, lana dadaalo, in Guul la gaari doono, oo Naagaha oo dhan waxaa ay ku noolaan karaan Nolosha ay rabaan.

Semhar, 23 Jir, oo Eritrea ka imaatay

Waxaan jiray 19 Sano, markii aan go´aansaday in aan Waddankayga Hooyo ee Eritrea ka soo dhoofo, si aan markaas u helo Nolol fiican ayaana Taas igu kaliftay. Waayo Waddankayga waxaa ka taliya Nin Kaligii Taliye ah, oo aan Shacabka u naxriisan.

Safarkayga waxaa uu ku bilawday markii aan Itoobiya soo aaday, Halkaas ayaa waxaan ku noolaa Xero Qaxooti oo aan Mudo Hal Sano ah ku jiray. Markaas baa waxaa i soo qaaday Nin Makhalis ah, oo i keenay Sudaan ka dibna waxaa uu i keenay Waddanka Liibiya. Haddana waxaa ay igu qaadatay Mudo Saddex Bilood ah, ilaa aan ka imaanayo Waddanka Talyaaniga. Markii Danbe Talyaaniga waa aan ka soo baxay, waxaan soo raacay Tareen oo aan ku aaday Waddanka Swiden. Swiden Wax Yar ayaa waxaan ku jiray Xero Qaxooti. Markii Danbe waxaan soo aaday Waddanka Jarmalka oo aan markii horeba rabay in aan ku noolaado.

Mudadaas Labada Sano ah ee aan soo socday waxaan la kulmay Dhibaato aad u faro badan, oo ay ka mid yihiin Gaajo iyo Oon badan; waxaan arkay Dad Gaajo iyo Oon dartiis la dhintay, waxaan la kulmay Kufsi iyo Fara Xumo kale. Dumar Uur iska soo ridaaya ayaan arkay.

Markaan imaaday Waddanka Jarmalka waxaan go´aansaday in aa Jarmal joogo. waayo Jarmalka waxaa ii jooga Nin aan Ilo Adeer nahay. Laakiin Swiden baa waxaa iga yaalla Faro, oo markii aan Meesha soo maraayay baa waxaan dalbaday Megengelyo. Markaas Jarmal baa waxaa uu igu dhahay Wax Xaq ah naguma lihid waxayna igu dheheen waxaan kugu celinaynaa Waddanka Swiden.

Markii ay Arintaas i qabsatay baa waxaan la hadlay Xafiiska Xerada aan joogay, markaas baa waxaa ay igu soo xiriiriyaan Hayaddan Samafalka ah ee Myriam loo yaqaano, waxaa ay ii sheegeen in ay Hayadda bixiso Talooyin Fiican oo ay siiso Dumarka Qaxootiga ah ee dhiban. Markaas baa waxaa ay iga caawiyeen in aan helo Kaniisad i siisa Megengelyo. Kaniisaddii baa waxaa ay i siisay Caawinaad iyo Guri aan ku dhuunto, ilaa ay ka dhamaatay Mudada la ii qabtay in aan Waddanka uga baxo ayaan Meeshaas ku dhuumanaayay. Markii Danbe Jarmal ayaa qaabilay Arimahayga Megengelyo. Marii aan Muddo Laba Bilood ah Kaniisadda ku dhuumanaayay ayaa waxaa markii danbe la ii ogolaaday in aan Xerada Qaxootiga ku soo laaban karo, markaas baa Meeshii ka sii watay Dalabkayga. Markii Danbe waxaan helay Guri aan ku noolaado. Hadda Gurigaas ayaan ku noolahay oo aan ku faraxsanay.

Waxaa la ii sameeyay Daawayn oo laygu dejinaayay, oo waxaa Wax badan ku xirnaa Cisbitaalka ZIP- Zentrum für Integrative Psychiatrie, loo yaqaano ee  Kiel  ku yaalla, halkaas ayaa aad laygu caawiyey, hadda waa aan caafimaad qabaa. Noloshayda ayaan ku raaxaysaa.

Afka Jarmalka Barashadiisa waxaan ka gaaray Heer fiican oo waxaan qaatay Shahaadada B1 loo yaqaano, kadibna waxaan helay Shaqo, hadda Aniga ayaa is maamula Wax Ceer ah ma qaato. Hadda waa aan nabadqabaa, waxaa la i siiyay markii aan Waraysiga maray Hal Sano oo Deganaasho ah, hadda Jarmalka waa aan ku noolaan karaa. 

Aad ayaa waxaan ugu rajo waynnahay in aan Mustaqbal fiican yeesho. waxaan ku dadaalayaa in aan Afka Jarmalka si fiican u barto. Sidoo kale waxaan rajaynaaya in aa Waxbarshada Heer Jaamacad ka gaaro, oo aan markaas Sahqo fiican helo.

Maxaad Dumarka kale kula talin lahayd?

Waxaan lee yahay Dumarka akhrista Sheekadaydaan: Dhibaato kasta oo Noloshaada la soo deristo, waxaan idin lee yahay Dulqaad ayaa Dhibka looga baxaa, weligiina ha is dhiibina, haddaad turunturooto, dib u istaag, Noloshaada Meesheeda ka sii wad. Fursad Kasta oo ku soo marto ka faa´idaysto. Ha rajo dhigin oo ku dadaal in aad guulaysato. Waayo kamadanbayntii Adiga ayaa guulaysan doona markaas baad helaysaa Waxa aad rabtay.

Yasmin oo Ciraaq ka imaatay

Waxaan ahay Haweenay Kurdi-Ciraaqi ah, waxaan Muddo Labo Sano ah degganahay Waddanka Jarmaka. Markaan Ciraaq joogay ayaan Nin guursaday, Wax Yar kadib Ninkayga waxaa uu soo aaday Waddanka Jarmalka. Wax Yar Kadib ayan ka soo daba imid, waxaan soo maray Waddanka Türkiga, waxaana is oo waday Dad Mukhalisiin ah.

Waxaan aad uga xumahay in aan isku dhacnay Aniga iyo Ninkayga, oo markii horeba ahaa Xiriir aan sidaas u sii fiicnayn. Markii aan Ciraaq joognay xitaa waxaa iigu cagajuglayn jiray in uu Nafta iga gooyn doono. Markaan Jarmal imaanay waxaan aad ugu rajo waynaa in uu is bedeli doono, laakiin taas ma dhicin, oo weli waxaa uu igu haayay Cadaabtii uu Markii horayba igu hayn jiray. Waxaan Wax Badan isku dayay in aan u sabro, oo waxaan isku dayay in aan Waqti Dheeraad ah siiyo, laakiin waxaan u malaynayaa in uu Ninkaygu yahay Nin Xanuunsan oo Maskaxda wax ka dhiman yihiin. Waxaa uu Mar Walba igu eedeeyn jiray in aan Nin Kale Hoosta ka wato, markaas baa waxaa uu doonay in uu Mar Walba i kontroolo. Waxaa uu ii diiday in aan Dad Kale barto, markaas baa waxaa uu isku dayay in uu xitaa Lacagta ii diido Lacgtaydana igu kontroolo. Qolka aan degganayn ayuu igu xiri jiray, markaas aan Waqti Badan u xirnaan jiray Anigoo Cidnna ila joogin. Markaas baa waxaan go´aansaday in aan Ninkayga ka tago. Naag aan is naqaanay baa waxaa ay ii sheegtay Mashruuca Myriam. Markaas baa waxaa ay i siiyeen Talo fiican oo waxaa ay i dheheen Guriga Dumarka lagu dhaqaaleeyo aad. Sidii ayaan yeelay.

Mashruuca Myrian waxaa kaloo ay iga caawiyeen, Habkii aan ku heli lahaa Sharci aan ku joogo, markaas baa Muddo Lix Bilood Gudahooda ah, waxaa la i siiyay Sharci aan Waddanka ku joogo. Bilo kadib waxaa ii suurta gashaan ka tago Guriga Dumarka, oo waxaan helay Guri aan Aniga ijaartay. Daas ayaan ugu farxay waayo waxaan dareemay xurnimo iyo Degganaasho. Hadda waxaan ku talo jiraan in aan Afka Jarmalka barto, oo markaas ay ii suurto gasho in aan dhexgalo Bulshada Jarmalka ayaan ku hawl jiraa, oo markaas aan ku guulaysto in aan Nolol Wanaagsan ku noolaado.

Maxaad Dumarka kale kula talin lahayd?

Waxaan Dumar Kasta ku dhihi laa, Weligaa ha cabsanin, ha cagataalaynin, oo Mar Walba raadso Cid Talo ku siisa, kuna caawisa, Dhibkaaga ha qarsanin.

Muna oo Soomaaliya ka imaatay

Waxaan ahay Gabar Soomaali ah, oo dhibaato iyo Xanuun Badan soo martay. Dhibaatadaas faraha badan leh waa Mid aan la ilaawi karin, waxaana ay Raad ku yeesheen Naftayda iyo Noloshayda. Waa Dhibaat aan Halkaan ku soo wada koobi karin. Waxaanse isku dayayaa in aan Waxooga Wax ka dhaho Dhabaatooyinkaas. Markaas 12 Sano jirsaday, Naag baa i af duubtay.

Waxaa ay i gaysay Waddanka Sacuudi Carabiya markaas baa waxaa igu wareejisay Reer Sacuudi ah. Maalintaa s ayay Dhibaatadayda bilaabatay, waxaan Reerkii u noqday Shaqaali Cidda oo dhan u shaqaysa. Waa ay igu qaylin jireen, markaas, i xiri jireen. Sanado badan ayaa waxaa igu haayeen si Biniaadinimada ka baxsan.

Waxaan Dhawr Jeer isku dayay in aan ka baxsado, laakiin Taasi iima suurto galin. Mar Kasta oo aan isku dayo in aan baxsado waxaa ay i sii gelin jireen Cadaab dheeraad ah. Sidaas ayaa ku jiray ilaa ay Maalin Maalmaha ka mid ah Naagtii Ciddaas Hooyada u ahayd Shil Gaari gashay. Dhaawac Xun ayaa soo gaaray, Gacmaha ayay ka jabtay, Madaxana Jug ayaa ka gaaratay, markaas baa waxaa ay noqotay Qof Curyaan ah. Waxaa ku dhacay in ay Kaligeeda is maamuli karin, waxaa ay Mar Walba u baahatay in Mar Walba lala joogo, oo la caawiyo.

Maalim Maalmaha ka kid ah waxaa dhacday in ay Reerkii aadaan Safar, markaas baa waxaa ay igu dhaafaan Naagtii. Markaas baan waxaan helay Fursad aan ku baxsad, waxay ahayd Maalintii Noloshayda iigu farxad badnayd. Markii Danbe waxaan ku guulaystay in aad Yurub u soo qaxo, markii danbe waxaan imid Jarmalka oo aan hadda ku noolahay. Hadda waxaan haystaa Xurnimo fiican. Waxaan Fursad u yeeshhay in aan Nolol Farxad leh ku noolaado. Waxaan aad ugu madcilinayaa Cid Kasta oo i caawisay weliba Dowladda Jarmalka ayaam u mahad celinayaa.

Maxaad Dumarka kale kula talin lahayd?

Waxaan Dumarka hadda imaanaya lee yahay Karti yeesha oo waxaad mar walba raadsataan Cid idiin caawisa. Weligaa ha niyad jabin.

Layla, 25 Jir oo Suuriya ka imaatay

magacayga waa Layla, waxaan jiraa 25 Sano, waxaan ka imid Waddanka Suuriya. Aniga iyo Waalidkayga oo wada socona ayaan Jarmalka imaanay. Sharci ayaa nala siiyay, markaasaan waxaan mooday in ay Wax Walba ii hagaageen, ilaa ay markii danbe Arin soo deristay. Waalidkayga ayaa waxaa uu i siiyay Nin, Nin aanan aqoonin ayay rabeen in ay igu daraa. Markaas baa waxaan Walaalahayga ku dhahay in aan Ninkaas laygu dari rabo guursanaynin, Nin aanan aqoonin marabo ayaan ku dhahay, laakiin waa ay iga diideen, waxaana ay bilaabinn in ay cadaadiyaan.

Aniga Nin Kale oo aan u jeclaa ayaan bartay, waxaan jeclaystay in aan Ninkaas la noolaado, laakiin waxaan ku dhiiran waayay in aan Damacayga sheegto, oo aan Familkayga u sheego ayaan yeeli waayay.

Dhaqankeena ayaa noo diidaya in aan sheegano waxa aan doonayno, oo kama hor imaan karno waxa ay Waalidkeena rabaan. Markaa waxaa aad iigu cuslaatay in aan diido Ninkaas ay igu qasbaayeen.

Laakiin Markii Danbe Aniga iyo Wiilka aan jeclaa baa waxaa raadsanay Cid na caawisa, oo waxaaan markii Danbe helnay Taleefoonka ay dirsadaan Dumarka dhibka qaba ee HILFETELEFON loo yaqaano, markaas baa waxaa ay noo sheegeen in uu Mashruuc Myriam la yiraahdo jiro, waa Hayad la talisa Dumarka Qaxootiga ah bay nagu dheheen.

Myriam baa waxaa ay noo sheegeen in aan Waddanka Jarmalka Cidna khasab lagu guursan karin, Qof kasta waxaa uu Xaq u lee yahay in uu Isaga ama Iyada si xur ah u doorato Qof ay guursan lahayd. Sidaas ayaa waxaa noogu suurto gashay in ay Myriam Mar Walba Talooyin fiican na siiyaa. Sidoo kale waxaan la tashanay Nin Wadaad ah oo Masaajid Imaam ka ah, oo waxaan ka cudsanay in uu Maharka noo sameeyo. Xitaa Isaga waxaa uu noo sheegay in aan Diinta ogolayn in Dad aan is rabin si xoog ah laysku guuriyo.

Dhibaatadii ka dhex socotay Angiga iyo Waalidkayga ayaa ka sii dartay. Waayo waxaa ay diidanaayeen in ay iska kay daayaan oo aan Ninkaan rabo guursado. Laakiin Aniga iyo Saaxiibkayga waa aan is guursanay, Markii uu Cadaadsika nagu badsheena waxaan u guurnay Magaalo kale. Meeshii ayaan Nolosheena ka sii wadanay.

Hadda waxaan noqday Qof Xaas yeeshay oo Ninkay rabtay guursatay. Dhibaato kastaba ha iigu qaadateen waxaan raacay wixii ay Nafsadayda rabtay. Hadda Uur ayaan lee yahay waxaan Mar Dhow sugaynaa Curutkeena.

Maxaad Dumarka kale kula talin lahayd?

Waxaan rabaa in aan Dumarkoo dhan ku dhaho: Xaqqa aad leedihiin garta, Noloshiina Idinka ayaa go´aansan kara, Cabsi iyo in aad Dhaqanaka Qalafsan dartiisa ha u dayicina xaqqiina.

Su´aalaha Badanaaba lays weeydiiyo

Laakiin la soco Jawaabahaan waxaa sinaba loogu qaadan karin in ay gali karaan Booska Talobixinta haddii aad Adiga Naftaada noo imaan lahayd! Waayo Qof Walba Xaaladdiisa waa u gooni, Isbedel yar ayaana Wax Kasta ku halaabi kara. Sidaa darteed waxaan ku leenahay Adiga Naftaada noo imaaw haddii aad Talo rabtid.                                   

1. Canug Halkaan ku dhashay Jarmal miyuu horay ka noqonayaa?

Jawaabta waa Maya, Haddii laakiin Canuga Waaliidkiisa uu Mid yahay Qof Jarmal ah, Canugana waa Jarmal. Haddii Waalidka Canuga ay Mudo 8 Sano ah Waddanka deggan yihiin, oo markaas Canug Jarmalka uga dhasho, Canuga waxaa uu qaadanayaa Jinsiyadda Jarmalka. Haddii aad Canug Waddanka ku dhex dhasho, waa laga yaabaa in aad Canuga Dartiis Sharci ku qaadato. Haddii aad Su´aalo Noocaas ah qabtid, waa aad noo imaan kartaa, waxaa diyaar kuu ah Dad Sharciga aad u kala yaqaana. (Taleefoonka soo dirso)

2. Weli Sharci maqaadanin , waxaan doonayaa in aa Ninkayga iska furo Kahor  inta aanan Sharci qaadanin, markaa waxaan rabaa in aan ogaado haddii aan Aniga kaligayga iyo (Caruurtayda) Sharci dalban karnp?

Horta in aad Mar Labaad is dhiibto uma baahnid, Waxa kiliya aad u baahantahay waa (Adiga iyo Caruurtaadaba), in aad Dalabkaaga Midka Ninkaaga ka reebtid. Markaa ka bacdi Waraysigaaga ayaa si gooni ah lagaaga qaadayaa, waa haddiii aadan weli Wareeysi marin. Markaa ka bacdi (Adiga iyo Caruurtaadaba) waxaa la idiin soo diraa Jawaabtiina. Haddii aad Su´aalo Dheeraad ah, oo ku saabsan sidii aad Ninkaaga isaga reebi lahayd, waa aad noo imaan kartaa, Anaga ayaa diyaar kuu ah, ee na soo booqo. (Taleefoonka soo dirso)

Haddii laakiin aad Waraysiga martay, oo aad Adiga iyo Ninkaaga Hal Mar wada marteen, laakiin aaweli Wax Jawaab ah, helin, waxaad Xaq u leedahay in aad Mar Labaad codsatid in ay Waraysi Dheeraad ah kaa qaadaan.

3. Waxaa i keenay Ninkayga, haddana waa aan is dagaalnay, waxaan rabay in aan kala tagno, markaa waxaa rabay in aan ogaado Sharci ma la i siinayaa haddii aan Ninkayga ka tago?

Arintaan Dhawr si ayaa loo xallin karaa. Waxaa aad loo eegayaa Xaaladda aad ku sugan tahay. Waxaa fiican in aad noo imaato, si aan Su´aalaha Noocaan ah si fiican kuugu sheegno. (Taleefonka soo dir)

4. Sedee baa Waraysiga loo maraa, ama Waraysiga Dadka Megengelyodoonka ah laga qaado loo maraa?

Videoga hoos fiiei, halkaas ayaa waxaan kuugu diyaarinay habka Interveowga ama Waraysiga loo maro iyo Xuquuqda aad leedahay, haddii aad rabto waa aad noo imaan kartaa! (Taleefoonka soo dir)

5. In aan Ninkayga iska furo ayaan rabaa. Maxaan sameeyaa?

Jarmal Qof Kasta Dumar iyo Ragba waxaa ay Xaq u leeyihiin in ay Furiinka ay doonayaan ku dhaqaanaa, Naagta Ninkeeda waa ay iska furi kartaa Iyadoo aan Cid Kale Ogolaasho weeydiinin. Waxaad u baahan tahay oo keliya in aad Qareen ama Looyar Sharciyada Dadka is qaba yaaqaana o tagto. Waxaad Looyarka u sheegtaa sidii aad isku guursateen, ma Wadaad baa iskukiin mehriyey mise si sharci ah ayaad isku qabtaa. Markaa Looyarka ayaa Xuquuqdaada oo dhan kuu sheegaya iyo sidii aad Ninkaaga isaga furi lahayd.

6. Xuquuqda aan lee yahay waa kuwee, marka aan Ninkayga iska furo, weliba Xuquuqda Caruurtayda?

Horta Caruurta aad iska dhasheen isku si ayaad Xaq u leedihiin. Jarmalka waxaa ka jira Qareemo ama Looyaro Arimahaan oo kale ku takhasusay, Iyaga ayaa kuu sheegaya Xaqqa aad leedahay weliba Kuwa Caruurtaada, marka aad Adiga iyo Ninkaaga kala tagtaan. Markaa Haddii Dhib Noocaas ah kugu dhaco Talo raadso.

7. Dalabkayga Megengelyo, waa la ii diiday. Maxaan sameeyaa?

Haddii ay Diidmo kuu imaato, isla markiiba u tag Hayadaha Dadka Qaxootiga ah, caawiya, oo Meeshaas Talo u raadso, sidoo kale waa in aad Looyar ama Qareen Arimaha Qaxootiga aad u yaqaana qabsataa. Taasi waa muhiim, waayo, Waqti Go´an ayaad haysataa, oo aad Diidmada kaga dacwoon kartid. Waxaad ogaataa Waqtiga aad haysato kama badna (Hal ilaa Laba Todobaad), waxaana Waqtiga uu kuu bilaabmayaa Marka ay Diidmada ku soo gaarto. sida ugu deg degta badan Talo u raadso, haddii kale Waqtiga ayaa kaa dhacaya, Qareenada iyo Cidda kale ee Tala ku siinaysa ayaa kuu sheegi doona Fursadda aad haaysato, ee (Taleefoonka soo dir)

Waxaad yeesha, Waqtiga laguu qabtay yuu kaa dhicin, haddii aadan Qareen helin, Adiga kaligaa ayaa Dacwadaada Maxkamadda u dirsan kartaa, markaas ka bacdi ayaad Qareen raadsan kartaa, ee Anaga noo imaaw Anaga ayaa ku garab galeeynaa.

Haddii Sharci Halsano ah lagu siiyo (waa Sharciga Yar ee Biniaadannimada ah), Go´aankaas Naftiisa waa aad ka doodi kartaa, oo waxaad Xaq u leedahay in aan Maxkamadda Dacwo u gudbisatid. Hana ka baqin in ay Halka Sano kaa ceshadaan. Haddi Sharci Halka Sano ka fiican lagu siin doono iyo haddii kale waxaad weeydiin kartaa Qareenkaaga, ama Hayaddaha Qaxootiga la taliya, Isaga ayaa kuu sheegayaa haddii aad Fursad haaysato.

8. Markii lay waraysanaayay Wax Kasta ma sheegin. Hadda maxaan sameeyaa?

Haddii aan weli Wax Jawaab ah kuu soo dhicin, Wixii aad Waraysiga ka ilowday waa aad ku darsan kartaa, si Qoraal ah ayaa u dirsan kartaa, ama Adiga ayaa inta aad u tagto Waraysi labaat ku sheegi kartaa. Laakiin in ay Mar Labaad ku waraystaan Ayaga ayaa Go´aanka iska leh. Markaas Haddii Waraysigaaga Wax ka kala dhiman yihiin, waxaa haboon in aan Qareen qabsato, aad u sheegto Waxa Waraysigaaga ka dhiman.

Haddii laakiin Jawaabta ay kuu imaato, Wax Waraysigaaga laga bedeli karo ma jirto, oo kaa yeelimaayaan in ay kaa dhaqaystaan Waxa Waraysigaaga ka ilowday. Haddii laakiin aad doonaysid in aad Go´aanka ka dacwootid, Taasi waa aad yeeli kartaa ee Qareenkaga la tasho, Isaga ayaa waxaa uu kuu sheegayaa Wixii Dan kuu ah.

9. Waxaa la i siiyay Sharciga kumeelgaarka ah. Laakiin Weli waxaa iga maqan Caruurtayda, Sharcigaas Caruurtayda ma ku keensan karaa?

Hadda Caruurtaada waxaad ku keensan kartaa, marka Sharciga Wayn lagu siiyo, (waa haddii Sharci Saddex Sano ah lagu siiyo).

Laakiin wixii ka danbeeyay 01. August 2018 waxaa la ogolaaday in Dadka Sharciga Biniaadannimada ah ee Halka Sano ah haysta Caruurtooda keensan karaan, laakiin waa in uu Qof ka Dalab qortaa waana Bishiiba Dadka Noocaas ah Dadka loo keenaayo waa in aanan 1000 Qof ka badanin. Markaa haddii aad tahay Qof Halsno Sharci ah haysta Caruurna kaa maqan yihiin, Talo raadso, Waxaad Talo ka heli kartaa Internetka Hayadda qaabilsan Dadka Qaxootiga ah.

Horta Familikaaga waxaa laga wadaa Caruurta aad dhashay, ee aan weli qaangaarin iyo Xaaskaaga (Ninkaaga/Naagtaada). Ayaga keliya ayaa laguu ogol yahay in laguu keeno. Haddii Adiga Naftaada Tahay Qof weli aan 18 Sano gaarin, waxaad XAq u leedahay in aad Hooyadaada iyo Aabahaaga u dacwootid, oo aad dhahdidi Hooyo iyo Aabo Jarnalka ha la ii keeno. Caruurta 18 Sano gaaray, iyo Qaraabada kale uma dacwoon kartid. Haddii aad Su´aal dheeraad ah qabto Qareenkaaga waydiiso, ama Anaga noo imaw.

Marka uu Sharciga kuu soo dhaco kadib waxaad haysataa Muddo Saddex Bilood ah, oo aad Dadkaaga ugu dacwoon kartid, markaa waxaa lagaa doonayaa in aad Mudaas Saddexda Bilood ah Gudahooda Dalabkaaga aad Dadkaaga ku keensan rabtid, u dhiibo Safaaradda Jarmalka ee kuugu dhow, ama Xafiisaka Dadka Qaxootiga ah qaabilsan Dalabkaaga u dhiibo. Haddii Waqtigaas laguu qabtay kaa dhaco waxaa Dhibaato ka imaan karta in Dadkaaga laguu soo qaado, waayo waxaa ay xujo ka dhigan karaan Waqtigii laguu qabtay waa aad ka dib dhacday. Kollay Kor iyo Hoosba  Qareenkaaga la tasho.

10. Waalidkayga iyo Qaraabadayda waxay rabaan in ay Nin aan Aniga rabin igu daraan. Maxaan sameeyaa?

Jarmalka waxaa ka reeban in Cid Aroos lagu qasbo, Qof aadan jecleen laguuguma dari karo. Waxaad Xaq u leedahay in aad guursato, iyo in aadan guurasnin intaba waa ay kuu banaan tahay, sidoo kale waxaad Xaq u leedahay in aad guursato Qofka aad jeceshahay, ee waxaa kugula talinaynaa Dhiblaaga u sheego Cidda aad ku qanacsan tahay, oo aad is leedahay waa ay ku caawinayaa (Tusaale ahaan Macallinkaaga Iskuulka Xaaladdaada la socodsii, Qofka Xerada aad deggan tahay Masuulka ka ah ama Cid Kasta oo Dowladda u shaqaysa u sheeg Dhibkaaga), Anaga Nafteena waa aan ku caawin karnaa haddaad nagu aamintid Dhibkaaga, si Qarsoodi ah ayaa kuu caanwin karnaa. Haddii Kale Booliska u tag oo ka codso in ay ku badbaadiyaa. Booliska waxaa uu ku gayn karaa Guryaha ay ku cararaan Dumarka Dhibban. Guryahaas Dumarka lagu caawiyo waxaa deggan Dumar Adiga oo kale ah oo u baahan in la caawiyo.  Guryaha Noocaas ah waa Guryo Qarsoon oo aan Cinwaankooda la garanaynin. 

11. Ninkayga waa uu i dilaa/ waa uu i kontroolaa/ Guriga ayuu igu xiraa/ Lacagta aan haysto waa uu iga qaataa/ waxaa uu ii diidaa in aan Ciddayda ama Saaxiibadayda la kulmo/ aad ayaan u dhib qabaa, ha lay caawiyo.

Haddii aad Cabsi wayn ka qabto Ninkaaga, Waxaad aadi kartaa Guryaha lagu dhawro Dumarka. Guryaha Dumarka lagu badbaadiyo waxaa loogu talo galay Dumarka dhibka qaba, Iyaga iyo Caruurtoodaba Meesha ayay ku carari karaan. Guryaha Noocaas ah waxaa jooga Dad ku caawin kara, oo Su´aal kasta oo aad qabto Jawaab kaa siin kara. Cinwaanka Guryaha Dumarka ku carara waa Guryo qarsoon. In aad Gurigaas ku cararto waa Wax Adiga kugu xiran, haddii aad rabto oo keliya ayaad meeshaas aadaysaa.  Markaad doontana waa aad iska tagi karaa. Haddii aadan weli si fiican Furiin uga fekerin, waxaad yeeli kartaa in aad Talo raadsato. Anaga xitaa diyaar ayaan kuu nahay, Talo ayaan si qarsoodi ah kuu siin karnaa.

 

Nala soo xiriir

Markaad na soo wacdo, waxaad Taleefoonkeena ku hadli kartaa Afkaaga Hooyo Mashiinta ku duub, Anaga ayaa markaas Turjubaan raadsaan doona, Shaqaalaha nala shaqeeya waxaa ay ku hadlaan Afafka Jarmalka, Ingiriisiga, Carabiga iyo Tigree, Afafka kale waxaan kuu raadinaynaa Turjubaan.

Haddii aadan ku qanacsanayn Turjubaanka aam kuu qabanay, inoo sheeg, Anaga ayaa kuu raadinaynaa Turjubaan kale. Fadlan Xafiiskeena Adigoo aan Ballan haysanin ha iska imaanin, waayo Anaga Xafiisa Mar Walba ma joogno.Waxaa nalaga helaa.

myriam
Muhliusstraße 67
24103 Kiel
Germany

Taleefoon: +49 431 / 55 77 91 93
Fax: +49 431 / 55 77 91 95
Mobil: +49 170 / 935 08 00
Email: myriam(at)frauenwerk.nordkirche.de

Sponsored by:

 

 

 

Impressum

Herausgeber

Hauptbereich
Frauen und Männer, Jugend und Alter der Nordkirche

Gartenstraße 20
24103 Kiel
Telefon 0431 55 779 -109
Fax 0431 55 779 -160
info@hb5.nordkirche.de
www.hb5.nordkirche.de

Leitung:
Eva Rincke, leitende Pastorin (V.i.S.d.P.)

Alle Fragen, auch zu Bildrechten sowie inhaltlich verantwortlich:
Erik Schmidt, Öffentlichkeitsarbeit Hauptbereich Frauen und Männer, Jugend und Alter
Telefon: 0431 55 779 -125
erik.schmidt@hb5.nordkirche.de

Der Hauptbereich Frauen und Männer, Jugend und Alter der Evangelisch-Lutherischen Kirche in Norddeutschland ist verantwortlich für die Internetpräsenzen der ihm angegliederten Dienste und Werke nach §30 des Kirchengesetzes über die Hauptbereiche der kirchlichen Arbeit (Hauptbereichsgesetz - HBG) vom 03. November 2017 der Evangelisch-Lutherischen Kirche in Norddeutschland:

Frauenwerk der Nordkirche - www.frauenwerk.nordkirche.de

sowie den zugeordneten Fachstellen, Projekten, Institutionen und Vereinen

Jugendpfarramt in der Nordkirche - www.jupfa.nordkirche.de

sowie den zugeordneten Fachstellen, Projekten, Institutionen und Vereinen

Jugendaufbauwerk Plön Koppelsberg der Nordkirche - www.jaw.koppelsberg.eu

Arbeitsstelle Ehrenamt der Nordkirche - www.engagiert-nordkirche.de (gemeinsam mit dem Hauptbereich Gottesdienst und Gemeinde)

Männerforum der Nordkirche - www.maennerforum.nordkirche.de

Fachstelle Alter der Nordkirche - www.senioren.nordkirche.de

Evangelische Arbeitsgemeinschaft Erwachsenenbildung der Nordkirche - www.erwachsenenbildung-nordkirche.de

Fachstelle Familien der Nordkirche - www.familien.nordkirche.de

sowie die Einrichtungen

Strandläufernest Sylt - Zeltplatz - http://sln.strandlaeufernest.de

Haus Leuchtfeuer Sylt - Gruppenhaus - www.ehin.de/haus/haus_leuchtfeuer_sylt,

 

im folgenden Hauptbereich Frauen und Männer, Jugend und Alter genannt.

 

Wir übernehmen keine Garantie dafür, dass die auf diesen Websites bereit gestellten Informationen vollständig, richtig und in jedem Fall aktuell sind. Insbesondere übernimmt der Hauptbereich "Frauen und Männer, Jugend und Alter" der Nordkirche keine Haftung für Inhalte, die ausdrücklich oder konkludent als fremde Inhalte gekennzeichnet sind. Der Hauptbereich ist nicht dafür verantwortlich, dass solche Inhalte vollständig, richtig, aktuell und rechtmäßig sind und nicht in unzulässiger Weise in Rechtsgüter Dritter eingreifen. Dies gilt auch für Inhalte von Webseiten, auf die durch einen Link verwiesen wird.

Alle Urheber- und Nutzungsrechte an Texten und Bildern liegen beim Hauptbereich Frauen und Männer, Jugend und Alter, oder bei Dritten. Eine weitere Verwendung ist ohne ausdrückliche Genehmigung der Rechteinhaber untersagt.

Die Evangelisch-Lutherische Kirche in Norddeutschland ist eine Körperschaft des Öffentlichen Rechts. Sie wird vertreten durch die Kirchenleitung.

 

Das Leitungsgremium der Nordkirche

Die Kirchenleitung leitet die Nordkirche im Rahmen des geltenden Rechts. Sie berät über die grundlegende kirchliche Gesamtplanung und entscheidet bei dienstrechtlichen Angelegenheiten der Kirchenbeamten. Sie wirkt auch bei der Wahl oder Berufung von Pastorinnen und Pastoren, Kirchenbeamten und leitenden Angestellten im gesamtkirchlichen Dienst mit. Die Kirchenleitung führt außerdem die Aufsicht über das Landeskirchenamt.

Die Miglieder der Ersten Kirchenleitung der Nordkirche amtieren bis 2019, sie wurden 2013 von der Landessynode gewählt. Der Landesbischof der Nordkirche und die Bischöfin und Bischöfe im Sprengel gehören kraft Ihres Amtes der Kirchenleitung an. Der Landesbischof hat den Vorsitz inne.

Der Sitz der Kirchenleitung ist in Schwerin.

Fotos
Frauenwerk: ©detailblick-foto - Fotolia.com
Jugendpfarramt: ©shootingankauf – Fotolia.com
Fachstelle Alter: ©Fotolia.com


Datenschutz

Schützen Sie sich und Ihre Daten!

Liebe Nutzer*innen,

uns ist bewusst, dass der Bereich des Schutzes persönlicher Daten (Datenschutz) ein wichtiger, sensibler Bereich ist. Dementsprechend sorgsam wird der Schutz Ihrer persönlichen Daten von uns unter Beachtung der Regelungen der Datenschutzgesetze gehandhabt. Die Erhebung der Daten unserer NutzerInnen insbesondere personenbezogener Daten sind auf das technisch notwendige Mindestmaß beschränkt. Unter keinen Umständen -weder entgeltlich noch unentgeltlich- geben wir erhobene Daten an Dritte weiter oder machen diese Dritten zugänglich.

Bitte NUTZEN Sie in allen digitalen Medien alle Möglichkeiten, Ihre Daten zu schützen.

Auch wenn wir dann keine statistischen Auswertungen aller Nutzer*innen zur Verbesserung des Angebots vornehmen können - schützen Sie sich gerne...

 

Matamo OptOut

 

Datenschutz in der Nordkirche 

Ausführliche Information über den Datenschutz in der Nordkirche und Kontakt zum Datenschutzbeauftragten der Nordkirche finden Sie hier: 

www.datenschutz-nordkirche.de

 

Der Hauptbereich Frauen und Männer, Jugend und Alter der Nordkirche mit seinen folgenden angegliederten Bereichen

Jugendpfarramt in der Nordkirche - www.jupfa.nordkirche.de

sowie den zugeordneten Fachstellen, Projekten, Institutionen und Vereinen

 
Frauenwerk der Nordkirche - www.frauenwerk.nordkirche.de

sowie den zugeordneten Fachstellen, Projekten, Institutionen und Vereinen

Jugendaufbauwerk Plön Koppelsberg der Nordkirche - www.jaw.koppelsberg.eu

Arbeitsstelle Ehrenamt der Nordkirche - www.engagiert-nordkirche.de

Männerforum der Nordkirche - www.maennerforum.nordkirche.de

Fachstelle Alter der Nordkirche - www.senioren.nordkirche.de

Evangelische Arbeitsgemeinschaft Erwachsenenbildung der Nordkirche - www.erwachsenenbildung-nordkirche.de

Fachstelle Familien der Nordkirche - www.familien.nordkirche.de

sowie die Einrichtungen

Strandläufernest Sylt - Zeltplatz - http://sln.strandlaeufernest.de

Haus Leuchtfeuer Sylt - Gruppenhaus - www.ehin.de/haus/haus_leuchtfeuer_sylt

 

im folgenden Hauptbereich Frauen und Männer, Jugend und Alter der Nordkirche genannt, ist verantwortlich für das vorliegende Internetangebot.

Die Datenschutzbeauftragte für alle dem Hauptbereich Frauen und Männer, Jugend und Alter der Nordkirche zugeordneten Arbeitsbereiche sowie Vereine und Verbände: 

Bärbel Rimbach, Gartenstraße 20, 24103 Kiel

baerbel.rimbach(at)frauenwerk.nordkirche.de

stellvertretend

Erik Schmidt, Gartenstraße 20, 24103 Kiel

erik.schmidt(at)hb5.nordkirche.de

Der Datenschutzbeauftragte der Nordkirche

Peter von Loeper 
Baustraße 34, 17109 Demmin

Telefon +49 3998 25984-78 (-79)

peter.loeper(at)dsb.nordkirche.de

Allgemeine Hinweise

Die folgenden Hinweise geben einen einfachen Überblick darüber, was mit Ihren personenbezogenen oder personenbeziehbaren Daten passiert, wenn Sie unsere Website besuchen. Personenbezogene Daten sind alle Daten, mit denen Sie persönlich identifiziert werden können. Ausführliche Informationen zum Thema Datenschutz entnehmen Sie unserer unter diesem Text aufgeführten Datenschutzerklärung.

Mit dem Absenden Ihrer Anfrage erklären Sie sich mit der Verarbeitung Ihrer angegebenen Daten zum Zweck der Bearbeitung Ihrer Anfrage einverstanden.

Datenschutzerklärung

Datenerfassung auf unserer Website

Wer ist verantwortlich für die Datenerfassung auf dieser Website?

Die Datenverarbeitung auf dieser Website erfolgt durch den Websitebetreiber. Die Kontaktdaten können Sie dem Impressum dieser Website entnehmen.

Wie erfassen wir Ihre Daten?

Ihre Daten werden zum einen dadurch erhoben, dass Sie uns diese mitteilen. Hierbei kann es sich z.B. um Daten handeln, die Sie in ein Kontaktformular eingeben.

Andere Daten werden automatisch beim Besuch der Website durch unsere IT-Systeme erfasst. Das sind vor allem technische Daten (z.B. Internetbrowser, Betriebssystem oder Uhrzeit des Seitenaufrufs). Die Erfassung dieser Daten erfolgt automatisch, sobald Sie unsere Website betreten.

In einigen Bereichen der Website werden zudem Daten durch Google-Dienste erhoben, dazu finden Sie unten weitere Informationen. 

Wofür nutzen wir Ihre Daten?

Ein Teil der Daten wird erhoben, um eine fehlerfreie Bereitstellung der Website zu gewährleisten. Andere Daten können zur Analyse Ihres Nutzungsverhaltens verwendet werden. Bei einer einfachen Nutzung der Website (Surfen) erheben wir keine Personenbezogenen Daten, gespeichert werden dann nur anonymisierte IP-Adressen. Dazu haben Sie eine direkte Widerspruchsmöglichkeit. (Mehr dazu siehe unten: Widerspruchsmöglichkeit.)

Welche Rechte haben Sie bezüglich Ihrer Daten?

Sie haben jederzeit das Recht unentgeltlich Auskunft über Herkunft, Empfänger und Zweck Ihrer gespeicherten personenbeziehbaren Daten zu erhalten. Sie haben außerdem ein Recht, die Berichtigung, Sperrung oder Löschung dieser Daten zu verlangen. Hierzu sowie zu weiteren Fragen zum Thema Datenschutz können Sie sich jederzeit unter der im Impressum angegebenen Adresse an uns wenden. Des Weiteren steht Ihnen ein Beschwerderecht bei der zuständigen Aufsichtsbehörde zu.

Cookies

Alle Seiten der durch den Hauptbereich Frauen und Männer, Jugend und Alter der Nordkirche verantworteten Internet-Angebote verwenden so genannte Cookies. Cookies richten auf Ihrem Rechner keinen Schaden an und enthalten keine Viren. Cookies dienen dazu, unser Angebot nutzerfreundlicher, effektiver und sicherer zu machen. Cookies sind kleine Textdateien, die auf Ihrem Rechner abgelegt werden und die Ihr Browser speichert.

Die meisten der von uns verwendeten Cookies sind so genannte “Session-Cookies”. Sie werden nach Ende Ihres Besuchs automatisch gelöscht. Andere Cookies bleiben auf Ihrem Endgerät gespeichert bis Sie diese löschen. Diese Cookies ermöglichen es uns, Ihren Browser beim nächsten Besuch wiederzuerkennen.

Sie können Ihren Browser so einstellen, dass Sie über das Setzen von Cookies informiert werden und Cookies nur im Einzelfall erlauben, die Annahme von Cookies für bestimmte Fälle oder generell ausschließen sowie das automatische Löschen der Cookies beim Schließen des Browser aktivieren. Bei der Deaktivierung von Cookies kann die Funktionalität dieser Website geringfügig eingeschränkt sein.

Cookies, die zur Durchführung des elektronischen Kommunikationsvorgangs oder zur Bereitstellung bestimmter, von Ihnen erwünschter Funktionen (z.B. Anmeldung bei Veranstaltungen) erforderlich sind, werden auf Grundlage der DSG-EKD gespeichert (in Ableitung von Art. 6 Abs. 1 lit. f DSGVO). Als Websitebetreibende haben wir ein berechtigtes Interesse an der Speicherung von Cookies zur technisch fehlerfreien und optimierten Bereitstellung unserer Dienste. Soweit andere Cookies (z.B. Cookies zur Analyse Ihres Surfverhaltens) gespeichert werden, werden diese in dieser Datenschutzerklärung gesondert behandelt.

Unser Analysetool: Matomo (Piwik) 

Die seitens des Hauptbereichs Frauen und Männer, Jugend und Alter der Nordkirche verantworteten Internet-Angebote  nutzen für die Datenanlyse Matomo (früherer Name: Piwik). Das ist eine Open-Source-Webanwendung für Webanalytik.

Matomomo ist eine Alternative zu Google Analytics und nutzt für die Speicherung datenschutzrechtlich sensibler Logdaten nur die Server des Website-Betreibers. Dadurch wird mehr Datenschutz gewährleistet. In Deutschland ist Matomo nach Google Analytics das meistverwendete Webanalytik-Werkzeug. (Quelle des Textes über Matomo: Wikipedia.)

Widerspruchsmöglichkeit hierzu finden Sie leicht zugänglich ganz oben auf der Seite!

Hinweise zu Social Media Button

Auf dieser Website verwenden wir in ausgewählten Bereichen (Nachrichten, Pressemitteilungen, Veranstaltungen) Social Media Button. Diese Button verlinken zu Facebook, Twitter, E-Mail sowie WhatsApp (letzteres nur, wenn Sie mit mobilen Geräten durch unsere Website surfen).

Unsere Social Media Button leiten nur dann direkt in Ihr Social Media Profil, wenn Sie ein solches haben und es gleichzeitig geöffnet ist. Wenn Sie in den genannten Netzwerken kein Profil haben und / oder nicht angemeldet sind, erfolgt nach einem Klick auf ein Button die Übermittlung des Links. Auf die Weiterleitung anderer Informationen, z.B. die sogenannte "Browserhistorie", haben wir keinen Einfluss. Sie hängt mit der individuellen Nutzung und Einstellung Ihres Browser zusammen. 

Social Media halten eigene Datenschutzerklärungen für die Nutzung im europäischen Raum vor. Diese können Sie hier einsehen: 

Facebook/Privacy

Twitter/Privacy

WhatsApp/Legal

E-Mail: Bitte lesen Sie dazu unsere Erklärung weiter unten.

 

Hinweise zur Nutzung und zur Datenverarbeitung

Auf dieser Website haben Sie die Möglichkeit, mit uns Kontakt aufzunehmen. In diesem Fall werden Ihre Angaben zur Bearbeitung und Beantwortung Ihrer Anfrage gespeichert. Sofern innerhalb unseres Internetangebotes die Möglichkeit zur Eingabe persönlicher oder geschäftlicher Daten besteht (E-Mail-Adressen, Namen, Anschriften), erfolgt die Preisgabe dieser Daten seitens der Nutzerinnen und Nutzer ausdrücklich auf freiwilliger Basis. Eine Weitergabe dieser Daten an Dritte (andere kirchliche Einrichrichtungen oder Dienststellen) erfolgt nur, um Ihre Fragen gut zu beantworten oder um Ihre Kommentare an die richtige Stelle weiterzuleiten. Nach abschließender Bearbeitung Ihrer Anfrage, spätestens jedoch nach 10 Tagen, werden Ihre Daten gelöscht.

Die Inanspruchnahme aller angebotenen Dienste ist - soweit technisch möglich und zumutbar - auch ohne Angabe solcher Daten bzw. unter Angabe anonymisierter Daten oder eines Pseudonyms gestattet.

Die Nutzung von Kontaktdaten wie Postanschriften, Telefon- und Faxnummern sowie E-Mail-Adressen, die wir im Rahmen des Impressums oder vergleichbarer Angaben veröffentlichen, ist zur Übersendung von nicht ausdrücklich angeforderten Informationen durch Dritte nicht gestattet. Rechtliche Schritte gegen die Versender von sogenannten Spam-Mails bei Verstößen gegen dieses Verbot sind ausdrücklich vorbehalten.

Nordkirche.de setzt in bestimmten Bereichen Cookies und Session-ID ein. In bestimmten Bereichen - insbesondere beim Kontakt-Formular, Newsletter, Versenden-an-Option und in unserem Kirchenshop - werden personenbezogene Daten gespeichert, verarbeitet und verwendet. Eine Weitergabe an Dritte erfolgt in keinem Fall.

Wenn Sie innerhalb dieses Angebots Seiten und Dateien abrufen und dabei aufgefordert werden, Daten über sich einzugeben, erfolgt diese Datenübertragung verschlüsselt (https) über das Internet. 

Im Rahmen der statistischen Erhebung werden Rechner bezogene Daten - wie z.B. verwendeter Browser, IP-Adresse u.a. - sowie Personen bezogenen Daten - wie angesurfte Websiten, eingegebene Suchbegriffe etc. - gesammelt, gespeichert und ausgewertet.

Google-Dienste in ausgewählten Bereichen

Wir setzen vereinzelnd in ausgewählten Bereichen Google-Dienste ein. Diese sind: 

Google-Karten im Adressenwerk und im Veranstaltungskalender; außerdem Google Translate, wenn Sie sich die Website in eine andere Sprache übersetzen lassen möchten (der Zugang ist jeweils am unteren Seitenende möglich); sowie YouTube, wenn Sie eine Seite aufrufen, auf der Videos eingebunden sind. Diese Dienste erheben und speichern automatisch Informationen, u.a. die Referrer URL und Ihre IP-Adresse. Weitere, ausführliche Informationen dazu finden Sie hier: policies.google.com/privacy.

Email / Formulare

Aus technischen oder betrieblichen Gründen kann der Empfang von E-Mail-Kommunikation gestört sein und/oder nicht rechtzeitig den Empfänger erreichen. Daher hat die Versendung von E-Mails an uns keine fristwahrende Wirkung und kann Fristen nicht rechtsverbindlich setzen. Wir empfehlen, zeitkritische oder eilige Nachrichten zusätzlich per Post, Kurier oder Telefax zu übersenden.

Falls Sie sicher sein wollen, dass Ihre E-Mail ordnungsgemäß empfangen worden ist, fordern Sie bitte von dem Empfänger eine schriftliche Empfangsbestätigung an. Wir unternehmen alle vernünftigerweise zu erwartenden Vorsichtsmaßnahmen, um das Risiko einer Übertragung von Computerviren zu verhindern. Wir sind jedoch nicht haftbar für Schäden, die durch Computerviren entstehen.

Bitte führen Sie selber Überprüfungen auf Computerviren durch, bevor Sie E-Mails lesen, insbesondere bevor Sie Anhänge zu E-Mails öffnen. Die Kommunikation per E-Mail ist unsicher, da grundsätzlich die Möglichkeit der Kenntnisnahme und Manipulation durch Dritte besteht. Wir empfehlen, keine vertraulichen Daten unverschlüsselt per E-Mail zu versenden.

Kalendereinträge und Übertragung von Terminen 

In unserem Veranstaltungskalender kann für jede Veranstaltung auf der Detailseite eine ics-Datei für Kalendereinträge heruntergeladen werden. Darin steht: Betreff, Ort, Beginn und Ende (Datum und Uhrzeit) sowie der Beschreibungstext der Veranstaltung. Die Übernahme der Daten erfolgt einmalig, es gibt keine Rückkoppelung zu unserem Veranstaltungskalender. Die Nutzung dieses Dienstes ist freiwillig. Sofern Sie Veranstaltungsdaten in Ihren Kalender importieren, übernehmen Sie die oben genannten Daten in Ihre Geräte. Wir übernehmen dafür keine Haftung und bieten keine Gewährleistung, dass dieser Dienst immer funktioniert. Sollte die Veranstaltung ausfallen, bieten wir keine Gewähr.

Rechtswirksamkeit dieses Haftungsausschlusses

Dieser Haftungsausschluss ist als Teil des Internetangebotes zu betrachten, von dem aus auf diese Seite verwiesen wurde. Sofern Teile oder einzelne Formulierungen dieses Textes der geltenden Rechtslage nicht, nicht mehr oder nicht vollständig entsprechen sollten, bleiben die übrigen Teile des Dokumentes in ihrem Inhalt und ihrer Gültigkeit davon unberührt.

MeineSeite.Nordkirche.de 

Die Subdomain MeineSeite.Nordkirche.de führt in das passwortgeschützte Intranet von Nordkirche.de.

In diesem intranet werden öffentliche und personenbezogene Daten wie Namen und Adressen, Kontaktdaten sowie Veranstaltungen und Kollektenprojekte eingegeben und gespeichert. Die Einagbe erfolgt freiwillig und ausschließlich nach schriftlicher Einwilligungserklärung. Die Veröffentlichung dieser Daten erfolgt ausdrücklich auf freiwilliger Basis und / oder im Rahmen einer dienstlichen Vereinbarung. 

Daten werden auch über Schnittstellen erfasst, weiterverarbeitet sowie an Dritte weitergegeben.

Alle Daten können auf Anfrage seitens des Seitenbetreibers gelöscht werden.

Die Inanspruchnahme der angebotenen Dienste ist - soweit technisch möglich und zumutbar - auch anonymisiert möglich.

Gewährleistung

Wir übernehmen keine Gewähr dafür, dass das Angebot jederzeit zur Verfügung steht. 

Server-Log-Dateien

Der Provider der Seiten erhebt und speichert automatisch Informationen in so genannten Server-Log-Dateien, die Ihr Browser automatisch an uns übermittelt. Dies sind:

  • Browsertyp und Browserversion
  • verwendetes Betriebssystem
  • Referrer URL
  • Hostname des zugreifenden Rechners
  • Uhrzeit der Serveranfrage
  • IP-Adresse

Eine Zusammenführung dieser Daten mit anderen Datenquellen wird nicht vorgenommen.

Grundlage für die Datenverarbeitung ist die DSG-EKD (in Ableitung aus Art. 6 Abs. 1 lit. b DSGVO), die die Verarbeitung von Daten zur Erfüllung eines Vertrags oder vorvertraglicher Maßnahmen gestattet.